Laascaanood —
Iska horimaad hubaysan ayaa la sheegay inuu saaka mar kale ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasi oo uu dhexeeyey ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka.
Xaaladda magaalada ayaa aad u kacsaneyd labadii toddobaad ee tegay, waxaana ka dhacay dagaallo dhowr ah.
Warkan waxaa Laascanood kasoo diray weriyahayaga Cabdikariim Olol.
Dhinaca kale waxaa iska horimaadka ka dhacay Laascaanood saaka ka hadlay xukuumadda Somaliland. Waxaa warkan Hargeysa kasoo diray weriyahayaga Khadar Maxamed Cakule.