Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal ka Qarxay Suudaanta Koonfureed


Tobanaeeyo qof ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen kadib markii arbacadii uu dagaal ka dhex qarxay ciidamada dowladda iyo koox aan la aqoon, magaalada Raja ee gobolka dhowaan la sameeyey ee Lol ee dalka Suudaanta Koonfureed.

Hoggaamiye kaniisadeed ayaa sheegay in in ka badan afar boqol oo qof ay usoo qaxeen xarunta kaniisadda.

Ilo-wareedyo ku sugan magaalada Raja ayaa sheegay in barasaabka gobolka Rizik Zachariah Hassan iyo saraakiil kale ayaa ka qaxay magaalada.

Goobjoogeyaal ku sugan magaalada Wau ayaa sheegay in koox hubeysan ay weerareen saldhigga milatari ee Raja, xarunta adeegga qaranka oo ku taalla meel ku dhow suuqa Raja iyo guriga barsaabaaka, ayaga oo dilay askar dhowr ah.

Dagaalka oo dhacay aroor hore ayaa ku qasbay boqolaal qof inay u qaxaan keymaha iyo kaniisadda magaalad Wau.

Duqa magaalada Raja Marodama James Benjamin ayaa ka mid ahaa dadka ka qaxay magaalada.

XS
SM
MD
LG