Islamabad —
Sahan cusub oo la sameeyay ayaa tilmaamaya in, in ka badan saddex-meelood laba meel oo ka mid ah muwaadiniinta dalka Pakistan aysan ku kalsoonayn hufnaanta hannaanka doorashada iyo dowladda dalkaasi ka hor doorashada baarlamaaniga ah ee dhaceysa Khamiista soo socota.
Shirkadda Gallup ee fadhigeedu yahay Mareykanka ayaa sahankan ku ogaatay in dadka Pakistan ay si isa soo taraysa uga niyad jabsan yihiin caqabadaha dhaqaale, siyaasadeed iyo kuwa amniga ee khatarta ku ah xasilloonida dalkooda, iyadoo niyad-jabkuna uu gaaray heerkii ugu sarreeyay ka hor codbixinta toddobaadkan.
Wariyaha VOA Ayaz Gul ayaa warkan soo diray. Waxaa soo jeedinaya Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan.
Madal