War Deg-Deg ah

Dadka ku haray Laascaanood oo wajahaya xaalad adag

Laascaanood
Laascaanood

Dadka ku haray magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayaa shegay in cuno yaraan iyo biyo la’aan xooggan ay soo waajahaday, islamarkaana aysan heli karin meelo ay wax ka iibsadaan.

Inkastoo dagaalka Laascanood uu qaboobay labadii maalmood ee lasoo dhaafay, haddana waxaa laga baqayaa xaalad bani’aadannimo.

Wakiilada beesha caalamka ee fadhigooda yahay magaalada Muqdisho oo ka hadlay colaadda Laascaanood ayaa Talaadadii sheegay inay si xoog leh u cambaareynayaan sii socoshada dagaalka, kaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur xooggan.

Wariyaha VOA-da uga soo warama gobolka Sool Cabdikariim Olol oo la hadlay qaar ka mid ah dadka reer Laascaanood ayaa warbixintan soo diray.

Dadka ku haray Laascaanood oo wajahaya xaalad adag

No media source currently available

XS
SM
MD
LG