Boosaaso —
Magaaladda Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland, oo ay ku nool yihiin dadweyne isugu jira kuwa deegaanka iyo barakacayaal ayaa bilaha ay cimiladeedu aad u kululaato, waxaa inta badan qoysaska u xagaa baxaan magaalooyinka iyo tuulooyinka ka durugsan dhul xeebeedka Boosaaso.
Hase yeeshe sannadkan waxaa aad u adkaatay inay dadku ay ka baxaan magaaladda, maadaama xili roobaadkii Gu'ga uusan weli ka di’in deegaamadii ay u xagaa bixi lahaayeen, taasoo abaarana ay weheliyaan.
Weriyaha VOA-da Boosaaso Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa warbixintan inooga soo diyaarisay magaaladda Boosaaso.