Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad loo qab-qabtay qaraxyadii Kampala


Booliska Uganda ayaa sheegay in ay qab-qabteen dhawr qof oo lagu tuhunsan yahay qaraxyadii Kampala, iyagoo sidoo kalena Kampala ka helay waxyaabo kale oo aan wali qarxin.

Afhayeen dawladda Uganda u hadlay oo lagu magacaabo Fred Pololot ayaa shaaca ka qaaday xadhiga dadkan, balse afhayeenku muusan sheegin tirada dadka la qab-qabtay iyo cidda ay u dhasheen.

Tirada ilaa haatan la xaqiijiyay inay ku dhinteen weeraradii ismiidaaminta ee habeenkii axada ka dhacay Kampala ayaa lagu sheegay inay haatan tahay 76 qof. Ururka Al-Shabaab ee ka dagaallama dalka Somalia ayaa iyagu sheegtay inay ka danbeeyeen mas’uuliyadda qaraxyadaasi.

Danbi-baadhayaal ka socda dalka Maraykanka ayaa booliska Uganka ka caawinaya baadhitaanada lagu samaynayo qaraxyadaasi.

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa shalay ku dhawaaqay inay bilaabatay hal toddobaad oo baroor diiq qaran loo samaynayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii dhacay.

XS
SM
MD
LG