Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad ku dhintay shaqaaqo maanta ka dhacday Laascaanood


Shaqaaqo ka dhacday Laascaanood
Shaqaaqo ka dhacday Laascaanood

Laba qof ayaa ku dhimatay shaqaaqo maanta ka dhacday magaalada Laascaanood ee gobolka Sool kadib dil xalay ka dhacay magaalada.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in labada qof ee dhintay ay haleeshay rasaas ay ciidanku fureen. Mas’uuliyiinta oo aya VOA la xiriirtay ayaan weli si toos ah uga hadlin rasaasta la sheegay inay ciidanku fureen.

Shaqaaqadan ayaa ka dambaysay dablay aan la garanayn oo xalay toogasho ku dilay mid ka mid ah dhallinyarada siyaasiyiinta ah ee ugu firfircoon siyaasadda, waxaana xigtay dad ka caraysan dilkaas oo cabasho ka sameeyey magaalada maanta.

Sida ay wax u dhaceen waxaa warbixintran kasoo diray Cabdikariim Olol.

Dad ku dhintay shaqaaqo maanta ka dhacday Laascaanood
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:42 0:00

XS
SM
MD
LG