Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dacwadda General Maxamed Cali Samatar


Dacwadda General Maxamed Cali Samatar
Dacwadda General Maxamed Cali Samatar

Maxkamad ku taal Mareykanka ayaa dhagaysanaysa dacwad ay soo oogeen shan qof oo Soomaali taasoo ka dhan ah Maxamed Cali Samatar.

Maxkamadda ugu sarreysa dalkan Mareykanka ayaa bilowday dhagaysiga dacwad ka dhan ah ra'iisul wasaarihii hore ee Somalia, ahna wasiirkii gaashaandhiga Gen. Max’ed Cali Samatar, oo ay soo dacweeyeen shan qof oo Somalia ah, kuwaasoo sheegaya inuu Gen. Samatar masuul ka ahaa jirdil iyo xadgudubyo kale oo loo geystay sanadihii siddeetameeyadii.

C/casiis Maxed Diiriye oo ka mid ah shakhsiyaadka dacwadda soo oogay ayaa wareysi uu siiyay VOA wuxuu ku sheegay inuu doonayo in Gen. Samatar, oo hadda 74-jir ah, lagula xisaabtamo kaalintii uu ku lahaa dhibaatadii ay ciidankii dowladdii Max’ed Siyad Barre ka geysteen waqooyiga Somalia, sanadkii 1988-dii, maadaama uu yahay sarkaalka ugu sarreeya ee nool, ee hadda lala xisaabtami karo.

Laakiin qareennada difaacaya Gen. Samatar, ayaa ku doodaya in generalka aan dacwad lagu soo oogi karin, maadaama uu yahay masuul sare oo ka tirsanaa dowlad madax-bannaan oo uu Mareykanku aqoosanaa, isla markaana uu jiro sharci mamnuucaya in masuuliyiinta dalalka ajnabiga ah la dacweeyo.

Faadumo Isaaq Biixi oo ahayd danjire Somalia u fadhiya Qaramada Midoobay, gaar ahaan xarumaheeda Geneva iyo Vienna ayaa wareysi ay siisay VOA-da iyadoo ka wakiil ah Maxed Cali Samatar ku sheegtay in aanu wax danbi ah galin. Faadumo waxay sheegtay dhibaatadii ka dhacday gobollada Waqooyi ee Somalia xilligii dowladii Siyaad Barre ay ahayd mid ka dhalatay markii koox hubeysan oo ay taageerayeen dal cadow ah ay magaalooyinkii soo weerareen si ay u kala gooyaan dalka, taasina ay dhalisay in dowladdii waqtigaasi jirtay ay tallaabo adag qaado. Faadumo waxay xustay inaysan xaq ahayn in Samatar ay dacwad ku soo oogaan dhowr qof oo shaqsiyaad ah.

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa la filayaa inay go’aan kama dambeys ah kasoo saarto in la dacweyn karo Gen. Samatar iyo in kale lix bilood kaddib.

Qeybta hoose ee qoraalka ka dhagayso warbixin ka hadlaysa sababihii dhaliyay dagaalkii gobollada waqooyi ee 1988-kii iyo taariikh ka hadlaysa General Samatar. Sidoo kale waxaad kujira wareysiyo aan la yeelanay C/casiis Maxamed Diiriye oo ka mid ah dadka dacweeynaya Samatar, Faadumo Isaaq Biixi oo ku hadlaysa magaca Samatar iyo Dr. Cumar C/lle Calasow oo ah sharci-yaqaan xeerarka caalamiga ku takhasusay.

XS
SM
MD
LG