Illaa 70 maleeshiyo oo Daacish ah iyo ugu yaraan 27 ka mid ah ciidamada Puntland ayaa ku dhintay, in ka badan 40 kalena way ku dhaawacmeen weerarro ismiidaamin ah oo kooxda Daacish ay xalay saqdii dhexe ku qaaday saldhigyo ciidan oo ku yaalla gobolka Bari, iyo dagaal xigay, sida ay xaqiijiyeen saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka.
Kooxdan oo adeegsaneysa baabuur iyo mootooyin ismiidaamin ah oo qaraxyo lagu soo xiray ayaa weerarkan ku qaaday saldhigyo ay fadhiyeen ciidamada Daraawiishta Puntland, sida uu VOA-da u sheegay afhayeenka ciidamada Puntland, Jeneral Maxamuud Maxamed Axmed.
Wuxuu sheegay in ciidamada Puntland ay iska caabiyeen weerarka, islamarkaana ay dileen in ka badan 70 ka mid ah maleeshiyada Daacish.
Puntland ayaa bishii December ku dhawaaqday dagaal culus oo ka dhan ah maleeshiyada Daacish, waxaana ay sheegtay in tan iyo xilligaas ay dishay maleeshiyaad ka badan 100, kuwaas oo u badan ajaanib.
Garabka Daacish ee Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay noqday qayb muhiim ah oo ka mid ah shabakadda caalamiga ah Daacish, waxaana bishan horaanteeda bartilmaameed u aheyd duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka.
Iyadoo lagu qiyaasayo inay tiradooda ay u dhaxeyso 700 ilaa 1,500 oo dagaalyahanno ah, garabka Daacish ee Soomaaliya ayaa sanadihii la soo dhaafay kobcay sababo la xiriira kusoo biirista dagaalyahanno ajnabi ah iyo kororka dakhliga dhaqaale.
Si kastaba ha ahaatee, weli waa mid aad uga yar al-Shabaab, oo gacanta ku haysa qaybo ballaaran oo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Warbixintan waxaa soo dirtay Faaduma Yaasiin Jaamac.
Madal