Hargeysa —
Qaar ka mid ah culimada Somaliland ayaa maanta khudbaddii Jimcaha uga hadlay mudaharaadkii shalay ka dhacay qaar ka mid ah magaalooyinka Somaliland.
Sida uu sheegay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, shan qof ayaa ku dhintay mudaaharaadyadaas.
Booliska ayaa sheegay in dad ku dhow 90 qof oo 62 ka mid ah ay boolis yihiin ay u dhaawacmeen rabshado ka dhashay banaanbaxayada.
Haddaba khubadadihii Jimcaha maasaajidda ee maanta looga hadlay mudaaharaadka iyo sida ay tahay xaaladda, waxaa warbixintan nooga soo diray Hargeysa wariyaha VOA-da Khadar Maxamed Cakulle.