Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Côte d'Ivoire iyo Portugal oo 0-0 isla dhaafi waayey


Labada xul ee Côte d'Ivoire iyo Portugal oo qeybta G ka mid ah ayaa barbaro 0-0 ku kala baxay ciyaar si weyn loo wada sugayey.

Kulanka labada dal oo maanta ka dhacay garoonka Nelson Mendalla ayaa ahaa mid xiiso badnaa. Labadan kooxood oo ka mid ah qeybta G oo Brazil iyo Kuuriyada Woqooyi ay iyaguna ku jiraan ayaa aad loo amaanay awoodooda xagga weerarka, laakiin difaaci labada qaran ayaa iyagu noqday kuwii gacanta sareeyey maaddaama ay ciyaartii ku dhamaatay barbar dhac aan goolal la kala dhalin.

Ciyaartan waxa mar dambe soo galay ciyaaryahanka caanka ah Didier Drogba ee reer Côte d'Ivoire oo in badan oo dadka ciyaarta daawadaa ay filayeen inuu waddanka Côte d'Ivoire wax wanaagsan u tari doono.

Dhinaca Portugal, ciyaaryahan Christiano Rolando ayaa isagu qeyb ka ahaa xulka kooxda Portugal inkastoo aan labada ciyaaryahan midkoodna awood u helin in xulka qarankiisa uu guul ku hogaamiyo.

Waddmada Brazil iyo Kuuriyada Woqooyi oo qeyb ka qeybtan G ayaa iyagu beri wada ciyaari doona.

Dhinaca kale, waddamada New Zealand iyo Slovakia ayaa maanta ku kulmay garoonka magaalada Rustenburg. Kulankan oo ka mid ah qeybta F oo ay Italy iyo Paraguay ku jiraan ayaa 1-1 ku dhamaaday. Afarta kooxood ee qeybtan F ayaa kulligood min hal dhibic leh ka dib markii Italy iyo Paraguay ay iyaguna shalay 1-1 isla dhaafi waayeen.

XS
SM
MD
LG