Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Codeynta Dastuurka Cusub ee Kenya


Dadweynaha Kenya ayaa maanta codkooda ka dhiibtay dastuur cusub oo haddii ay dadku ugu codeeyaan Haa noqonaya mid baddala kii 1963-dii.

Dadweynaha reer Kenya ayaa maanta u dareeray inay codkooda ka dhiibtaan dastuurka cusub ee la doonayo in dalkaasi lagu dhaqo, kaasoo ay ku jiraan qodobo xasaasi ah oo ay mid yihiin lahaanshaha dhulka iyo maxkamadaha loo yaqaano Qaaddi Courts.

Madaxda Sare ee reer Kenya sida Madaxweyne Kbaki, Ra’iisalwasaare Odinga iyo madax sare oo kala taageersanaa labada dhinac ee dastuurka ayaa codeeyey saaka iyagoo dhamaantood ka sinnaa inay dadweynaha ugu baaqaan inay degganaanta dhawraan.

Sida uu sheegay Guddoomiyaha Doorasha mudane Axmed Isaaq waxa jiray meelo ay ka dhaceen shilal ay dad ku dhinteen taasoo keentay in codbixintii ay dib u dhacdo, waxase uu Guddoomeyuhu ballan qaaday in goobahaas uu dib u dhacu ku yimid loo kordhin doono saacadaha codbixinta.

Sidoo kale Guddoomiyaha Ganacsatada ee xaafadda Sleigh ayaa sheegay in uu soo maray dhawr goob-codbixin isla markaasna uu arkay in codbixintu si nabad ah u socoto.

XS
SM
MD
LG