Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidan Kumandos ah oo loo Tababaray Somalia

Qaar ka mid ah ciidan tababar loogu soo xirey Muqdisho. 20/01/2016. Photo by Villa Somalia
Qaar ka mid ah ciidan tababar loogu soo xirey Muqdisho. 20/01/2016. Photo by Villa Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tababar maanta usoo xiray ciidamo kumandoos ah oo loo tababaray dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Dugsiga Tababarka Ciidammada ee magaalada Muqdisho tababar ugu soo xirey dufcaddii 3-aad iyo qeybtii ugu horeysay ee ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Kumandoska ee dugsigan ka qalin jebiya.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada dugsigan ayaa waxaa gacanta ku haya, islamarkaana maalgelinaya Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana uu qeyb ka yahay mashaariicda kala duwan ee dalkaasi ku taageerayo Soomaaliya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa ciidamadan oo gaarayey illaa 300 ugu hambalyeeyey “Sida wanaagsan ee aad u dhameysateen tababarkan casriga ah”.

Waxa uu ciidamada u sheegay in looga fadhiyo “Inay door lixaad leh ka qaataan ciribtirka argagixisada Al-Shabaab ee ku xiran Al Qaacida”.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sidoo kale ammaan u jeediyay dowladda, shacabka iyo Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, oo tababarkan maal-geliyey.

Munaasabaddan, ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgaley Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo mas’uuliyiin kale.

Kumaandooska Soomaaliya

Qaar ka mid ah ciidan tababar loogu soo xirey Muqdisho. 20/01/2016. Photo by Villa Somalia
1/7 Qaar ka mid ah ciidan tababar loogu soo xirey Muqdisho. 20/01/2016. Photo by Villa Somalia
Qaar ka mid ah ciidan tababar loogu soo xirey Muqdisho. 20/01/2016. Photo by Villa Somalia
2/7 Qaar ka mid ah ciidan tababar loogu soo xirey Muqdisho. 20/01/2016. Photo by Villa Somalia
Madaxweyne Xasan oo abaal marino guddoonsiinaya ciidan tababar dhameystey. Muqdisho, 20/01/2016. Photo by Villa Somalia
3/7 Madaxweyne Xasan oo abaal marino guddoonsiinaya ciidan tababar dhameystey. Muqdisho, 20/01/2016. Photo by Villa Somalia
Qaar kamid ah marti sharafta ka qeybgashey munaasabada. Muqdisho, 20/01/2016. Photo by Villa Somalia
4/7 Qaar kamid ah marti sharafta ka qeybgashey munaasabada. Muqdisho, 20/01/2016. Photo by Villa Somalia
Madaxweyne X. Sh. Maxamuud (dhexda), Ra'iisul Wasaare Sharma'arke (bidix) iyo Danjiraha UAE M.Othman. 20/01/2016. Photo by Villa Somalia
5/7 Madaxweyne X. Sh. Maxamuud (dhexda), Ra'iisul Wasaare Sharma'arke (bidix) iyo Danjiraha UAE M.Othman. 20/01/2016. Photo by Villa Somalia
Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo ka qeybgalaya xiritaanka tababar ciidan. Muqdisho, 20/01/1016. Photo by Villa Somalia
6/7 Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo ka qeybgalaya xiritaanka tababar ciidan. Muqdisho, 20/01/1016. Photo by Villa Somalia
Madaxweyne Xasan oo hadal u jeedinaya ciidan tababar dhameystey. Muqdisho, 20/01/2016. Photo by Villa Somalia
7/7 Madaxweyne Xasan oo hadal u jeedinaya ciidan tababar dhameystey. Muqdisho, 20/01/2016. Photo by Villa Somalia
Previous slide
Next slide

XS
SM
MD
LG