Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kolonyo ciidamo Mareykan ah oo qarax lagula eegtay duleedka Kismaayo


Taliska milatariga Maraykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in saaka kolonyo milatari oo ay la socdaan ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaalida ay la qaraxday walax qaraxda oo waddada dhinaceeda la dhigay.

Shilkan ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Kismaayo. AFRICOM waxay sheegtay inaan wax khasaare ah kasoo gaarin ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaalida ah labadaba.

AFRICOM waxay wararka sheegaya inuu khasaare soo gaaray ku tilmaantay kuwo been ah.

Madal

XS
SM
MD
LG