Kismaayo —
Dagaal khasaare gaystay ayaa saaka ka dhacay deegaanka Buulo Xaaji, kaasi oo dhex maray ciidamada Jubaland iyo kooxda Al-Shabaab.
Jubaland ayaa sheegtay in dagaalkaas ay ku dileen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Dhinaca kale Jubaland ayaa faahfaahin ka bixisay sababta ay Raaskambooni uga joojiyeen diyaaradaha, iyadoona maalmihii dambe dowladda federaalka ay ciidamo ka dajinaysay deegaankaasi.
Wariyaha VOA Aadan Maxamed Salaad ayaa arrimahaas ka wareystay afhayeenka ciidamada Jubaland Gaashaanle Dhexe Maxamed Faarax Daahir.
Madal