Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada dowladda oo qabsaday Xarardheere iyo Galcad


Ciidamada dowladda
Ciidamada dowladda

Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga degaanka ayaa goordhow la wareegay gacan ku haynta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, sida uu VOA u xaqiijiyey Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhowr maalmood kahor ka baxday degmadaas, kadib sanado badan oo ay gacanta ku haysay.

Goor sii horreysay oo maanta ah, ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa degaanka ayaa sidoo kale la wareegay gacan ku haynta magaalada Galcad ee gobolka Galgudud.

Qabsashada Galcad waxaa VOA u xaqiijiyey Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur. Wasiirka ayaa sheegay in wax dagaal ah uusan ka dhicin Galcad markii ay ciidanku qabsanayeen.

Galcad ayaa ku taal dhinaca Koonfureed ee gobolka Galgudud, waxayna 375KM dhinaca Waqooyi ka xigtaa magaalada Muqdisho.

Qabsashada Xarardheere iyo Galcad ayaa imaneysa ayada oo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab uu u muuqdo inuu hadda ka xoogeysanayo maamul goboleedka Galmudug.

Dagaalka ayaa bilihii dhowaa xooggiisa ka socday maamulka HirShabeelle, halkaasi oo inta badan laga saaray kooxda Al-Shabaab inkasta oo weli ay weeraro ka dhacayaan.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay boqollaal magaalo iyo tuulo ka qabsatay ururka al-Shabaab, boqollaal maleeshiyaad ahna ka dishay tan iyo bishii August.

Warbixintan waxaa soo diray Cabdiwaaxid Macallin Isxaaq.

Ciidamada dowladda oo qabsaday Xarardheere iyo Galcad
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:20 0:00

XS
SM
MD
LG