Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada dowladda oo la wareegay magaalo istiraatiiji u aheyd maamulka maleeshiyada Al-shabaab


Xoogga dalka
Xoogga dalka

Ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay degaanka Masaajid Cali Guduud oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, howlgalkaas oo Al-shabaab looga dilay ugu yaraan 100 ka tirsan maleeshiyadeeda, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Federaalka.

"Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo Gorgor ayaa Khawaarijta Shabaab ugu daatay godadkii ay isku qarinayeen. Qaybaha kale ee Ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa iyana hawlgalkaan ka qaatay door muhiim ah" ayaa lagu yiri qoraalka dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

"Tani waa ififaalo muujinaya in waqti aan dheerayn uu dalku ka xoroobayo Khawaarijta ku tagtifalaysay Shacabka Soomaaliyeed inka badan 15 Sano ee lasoo dhaafay" ayuu ayuu waraciyay bayaanka kasoo baxay dowladda.

Masaajid Cali Gaduud oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka socdeen dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab ayaa aheyd deegaanka istiraatiiji u aheyd maleeshiyada Al-shabaab.

XS
SM
MD
LG