Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya ay galeen degmada Aadan Yabaal.
Mid ka mid ah mas'uuliyiinta degaanka, oo ah gudodomiyaha degmada Maxaas oo ciidanka la socday, ayaa u sheegay idaacadda VOA inay ciidanku gudaha u galeen ayna samaynayaan miino-baaris.
Hase yeeshee taliye ka tirsan milatariga ayaa VOA u sheegay inay ciidanku ay ku sugan yihiin nawaaxiga balse aysan gelin magaalada.
VOA waxay sidoo kale la xiriirtay weriye la socda ciidanka oo noo sheegay inay ciidanku galeen magaalada balse cabsi laga qabo miinooyin lagu aasay magaalada ay dib ugu gurteen daafaha magaalada.
Ciidanka ayaa maalmahan kaabiga ku hayey Aadan Yabaal, oo ka mid ah laba magaalo oo ka tirsan gobolkaas oo weli kusii jiray gacanta Al-Shabaab.
Maalmo kahor, ciidamada ayaa qabsaday degaano dhowr ah oo ka mid ah gobolka, kuna dhow degmada Aadan Yabaal.
Guddoomiyaha degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan Muumin Maxamed Xalane oo qeyb ka howlgalka ciidan ayaa wariyaha VOA ee Baledweyne Xuseen Xasan Dhaqane uga waramay hawlgalka ciidanka iyo goobta uu hadda ku sugan yahay?