Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Dowladda 'oo fashiliyey' weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen degaanka Caad

Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa aroortii hore ee saaka ka hortagay weerar qorshaysan oo maleeshiyada Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Caad ee gobalka Mudug, oo bishii hore ciidamada ay kala waregeen kooxda.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in dagaalka uu dhaliyey khasaare isugu jira dhimashoiyo dhawac, inkasta oo weli aan tirada rasmiga ah la ogeyn.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda, oo VOA ay la xiriirtay, ayaa u sheegay in dagaalka uu aad u xoogganaa, islamarkana ciidamada dowladda ay ka hortageen in Al-Shabaab ay gudaha u galaan Caad.

Dhinaca kale, afhayeenka ciidamada kooxda Al-Shabaab Cabdicasiis Abu Muscab ayaa xaqiijiyey inay weerareen saldhigyo ku yaalla Caad, wuxuuna sheegtay inay ku dileen askar ka tirsan ciidanka dowladda.

Warbixin dagaalkan ku saabsan waxaa Gaalkacyo ka soo diray wariyaha VOA-da Cabdiwaaxid Macalin Isxaaq.

Ciidamada Dowladda 'oo fashiliyey' weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen degaanka Caad
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:49 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG