Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada dowladda oo degaano dhowr ah ka qabsaday Al-Shabaab


Ciidamada
Ciidamada

Wararka ka imanaya gonboka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dawladda oo kaalmo ka helaya kuwa degaanka ay qabsadeen tuulada Booco oo ilaa 50km dhinaca Koonfur Bari ka xigta magaalada Beledweyne maanta.

Saraakiisha degaanka ayaa warka qabashada Booco u xaqiijiyey idaacadda VOA. Qabashadan ayaa daba socota hawlgallo ay maalmahan degaanka ka wadeen ciidamada dalwadda federaalka iyo dadka degaanka oo is abaabulay.

Dhinaca kale wararka ka imanaya Dhuusamareeb ayaa iyaguna sheegaya in ciidamda dawladda federaalka iyo kuwa maamulka Galmudug ay qabsadeen degaanka Sinadhaqo oo u dhow magaalada.

Qabsashada kadib ayaa la sheegay inuu degaanka ka dhacay qarax loo adeegsaday miinada la dhigo waddada dhinaceeda. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inuu jiro khasaare.

Warbixinadan waxaa soo diray weriyayaasha VOA ee Beledweyne iyo Gaalkacyo, Xuseen Xasan Dhaqane iyo Cabdiwaaxid Macallin Isxaaq.

Warbixinta dagaallada ka socda HirShabeelle
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:20 0:00
Warbixinta dagaallada ka socda Galmudug
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:11 0:00

XS
SM
MD
LG