Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaallo ka Dhacay Gobolka Gedo


Askar ka tirsan ciidamada dowladda
Askar ka tirsan ciidamada dowladda

Wararka ka imanaya degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta uu dagaal halkaasi ka dhacay kadib markii maleeshiyo ka tirsan ururka al-Shabab ay weerar ku qaadeen xero fariisin u ah ciidamo ka tirsan guutada 1-aad ee ciidanka xoogga dalka Somalia.

Saraakiisha dowladda ee Xerada la weeraray ayaa Sheegtay in 11 ka tirsan maleeshiyada al-Shabab ee weerarka soo qaaday ay halkaa ku dileen dhinacoodana ay laba askari kaga dhaawacmeen.

Ma jiro wax war ah oo weli ka soo baxay ururka Al-Shabab oo la xiriira dagaalka.

Maleeshiyada al-Shabaab ee weerarka geystay ayaa lagu soo waramayaa inay ku sugan yihiin goobo aan ka fogeyn xerada ay degenyihiin ciidamada dowladda, waxaana la soo sheegayaa gurmadyo labad dhinac gaaray.

Dagaal kale ayaa isna ka dhacay deegaanka caanoole oo qiyaastii 30km dhinaca koonfureed ka xigta degamada Baardheere ee gobolka Geddo.

Dagaalkan ayaa sida wararku ay sheegayaan dhacay ka dib markii ciidamada dowladda ay weerareen maleeshiyo ka tirsan al-shabab oo doonayay inay halkaasi fariisin ka sameystaan.

Madaxa Howlgalada Baardheere ee dowladda somalia ayaa u xaqiijiyay VOA in dagaalkaas uu dhacay sadex qofna ay kaga dileen maleeshiyada uururka al-shabab.

Ma jiro wax war ah oo weli ka soo baxay ururka Al-shabab oo la xiriira dagalka. Mana jirto cid madax banaan oo xaqiijisay sheegatada saraakiisha dowladda ee qasaaraha la gaarsiiyay al-shabab.

Dhinaca kale laba askari ayaa dhimatay sadex kalena wey dhaawacmeen ka dib markii ciidamo ka wada tirsan kuwa maamulka Jubbaland ay isku dhaceen degamada Dhoobley ee Gobolka Jubba Hoose.

Dagaalkan ayaa bilowday markii ciidamo gadoodsan ay weerareen goob ciidamada lagu siinayay mushaar.

XS
SM
MD
LG