Afgoorey —
Ciidamada ammaanka ee degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa gacanta ku dhigay mooto bajaaj siddey waxyaabo qarxa.
Mootada ayaa la sheegey inay ciladowday taas oo soo jeedisay dareenka ciidamada, iyada oo markii la baarey kadibna laga helay waxyaabo qarxa. Booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay arrintan.
Warkii ugu dambeeyay arrimahaasi waxa Muqdisho kasoo direy Xasan Kaafi Qoyste.