Kooxda Chelsea ayaa siddeed sanadood la saxiixatay weeraryahanka reer Senegal Nicolas Jackson, isga oo kaga soo biiray kooxda Villarreal, sida ay shaacisay kooxda ka ciyaarta Premier League-ga Jimcihii.
22-sano jirkaan ayaa door muhiim ah ka ciyaaray Villarreal xilli ciyaareedkii hore, isagoo dhaliyay sagaal gool sideeddii kulan ee ugu danbeysay, isagoo ku guuleystay ciyaaryahankii ugu fiicnaa horyaalka LaLiga bishii May.
Jackson ayaa dhaliyay 12 gool 26 kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareedkii hore. Waxa uu sidoo kale kulankiisii ugu horreysay u saftay Senegal Koobka Adduunka ee Qatar, isagoo ciyaaray 16 daqiiqo markii ay guuldarro 2-0 ah kala kulmeen Netherlands.
Reuters.
Madal