Kooxaha Chelsea iyo Brighton ayaa is-faham ka gaaray inta badan beeca ciyaaryahanka khadka dhexe ee Moisés Caicedo, kaas oo maalihii lasoo dhaafay ay jirtay is-faham darro dhinaca lacagta ah.
Brighton ayaa aaminsan inaysan ku filenyn 70-miyan oo gini, waxaana sida uu kuu warramayo wariyaha suuqa kala iibsiga ciyaartooyda Fabrizio Romano la filayaa in wadaxaajoodyadu sii socda, sida xal loo helo sida ugu dhakhsiyaha badan.
Moisés Caicedo oo hore u daneynaya kooxda Arsenal ayaa hadda u muuqda mid caga dhigan doona dhinaca Buluugga ah ee magaalada London.
Chelsea ayaa ilaa hadda fasaxday 10 ciyaaryahan oo ay ka mid yihiin, N'Gole Kante, Kai Haverts, Kalidou Koulibaly, Mateo Kovacic, Ruben Loftus-Cheek, Edouard Mendy iyo Christian Pulisic.
Madal