Boorama —
Saddex carruur ah ayaa ku dhimatay dab xalay qabsaday guri ku yaalla xaafadda Kuwait ee magaalada Boorama ee gobolka Awdal. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in carruurtu ay hurdeen xilliga uu dabku qabsaday.
Haashim Sheekh Cumar Good ayaa warbixintan inoo soo diray.