Muqdisho —
Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka saxafiyiinta ka howlgala ay la kulmaan dhibaatooyin badan, waxaana lagu dilay weriyayaal badan, kuwa kale waa lagu dhaawacay, halka in badanna ay dalka isaga qaxeen.
Hase yeeshee, waxaa jira saxafiyiin u dhabar adeygay sidii howsha warbaahineed ay usii wadi lahaayeen, waxaana kamid ah kuwa qaba baahiyaha gaarka ah.
Haddaba, kulan looga hadlayay caqabadaha sida gaarka ah ay qabaan iyo tirada guud ee wariyayaashaasi ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow ayaa warbixintan inoo soo diray.