Allah ha u naxariiste, waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday nabaddoon iyo siyaasi Cali Ugaas Cabdulle, sida ay xaqiijiyeen ehelkiisa iyo mas’uuliyiinta dowladda federaalka.
Cali Ugaas Cabdulle ayaa muddoonyinkan ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho, wuxuuna ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer.
Allah ha u naxariisto Cali Ugaas Cabdulle ayaa sidoo horey usoo noqday Duqa magaalada Muqdisho, intii u dhaxeysay 1987-1990, xilligii dowladdii Kacaanka.
Geerida Cali Ugaas ayaa waxaa ka tacsiyeeyey mas’uuliyiin dhowr ah oo ay ka mid yihiin Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa tilmaamay in Marxuumka “uu kaalin weyn kasoo qaatay Nabadeynta, isku keenida ummada Soomaaliyeed iyo dib u yagleelida dowlad-dhiska Soomaaliya.”
Muqdisho —
Madal