Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cabdiraxmaan Cirro oo soo dhoweeyey baaqii Saciid Deni


Cabdiraxmaan Cirro
Cabdiraxmaan Cirro

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa soo dhoweeyay baaqii nabadeed ee dhowaan uu soo jeediyay madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, kaasoo ku saabsan xal ka gaarista colaadda ka taagan magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Cirro ayaa sidoo kale sheegay in xiisadda gobolka Sool ay marayso waddo nabadeed.

Dhinaca kale, xukuumadda Somaliland ayaa beenisay warar baraha bulshada lagu faafiyay oo lagu sheegay in madaxweynihii hore, Muuse Biixi Cabdi, laga qaaday ilaaladii amnigiisa sugaysay.

Warbixin arrintan ku saabsan waxaa noo diyaariyay Cabdulqaadir Maxamed Samakaab.

Cabdiraxmaan Cirro oo soo dhoweeyey baaqii Saciid Deni
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:10 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG