Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cabdirashiid Mataan Oo Iska Casilay UCID


Wareysi uu siiyey VOA-da ayuu Cabdirashiid ku sheegay in sababta iscasilaaddiisa ay tahay khilaaf ka dhex jira xisbiga UCID.

Murashaxii madaxweyne-ku-xigeenka ee Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa sheegay in uu iska casilay jagadaas iyo xubinnimadii xisbiga.

Wareysi uu siiyey VOA-da ayuu Cabdirashiid waxa uu ku sheegay in sababta iscasilaaddiisa ay tahay khilaaf uu sheegay inuu kala qaybiyay xisbiga UCID.

Cabdirashiid Xasan waxa uu ku eedeeyey hoggaanka xisbigaasi in uu qayb ka yahay burbur uu sheegay inuu aaminsan yahay inuu ku soo fool leeyahay xisbiga UCID, hase ahaatee hoggaanka xisbiga ayaa isna dedafeeyay eedayntaas.

Cabdirashiid, si cad uma sheegin cidda uu sheegay inay dumineyso xisbiga UCID, hase yeeshee waxa uu guddoomiye Feysal Cali Waraabe ku eedeeyey inuu arrintan xalin karin waayey.

Feysal Cali Waraabe oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in xisbiga UCID uu waqti badan ku bxiyey oo aysan suurtagal ahayn inuu gacantiisa ku dumiyo.

Warbixintan waxa magaalada Hargeysa nooga soo diray Weriyaha VOA Barkhad Kaariye.

Xisbiga UCID
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:02 0:00

XS
SM
MD
LG