Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddoomiyaha iyo labada ku-xigeen ee Aqalka Sare oo la doortay


Guddoonka Aqalka Sare
Guddoonka Aqalka Sare

Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa mar kale loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, isaga oo ka adkaaday laba musharax oo xilkan kula tartantay.

Sentaor Cabdi Xaashi ayaa ku guulaystay wareegga hore ee tartanka isagoo helay 28 cod.

Senator Cabdi Xaashi ayaa soo ahaa guddoomiyaha Aqalka Sare tan iyo sannadkii 2017-ka oo xilkaas loo doortay.

Waxaa kaalinta labaad galay oo kusoo xigay Saalax Axmed Jaamac oo ah Wasiirka Dastuurka oo helay 24 cod. Kaalinta saddexaad waxaa helay Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe oo helay laba cod.

Dhinaca kale, Senator Cali Shacbaan Ibraahim ayaa ku guuleystay kursiga guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, isaga oo wareeggii labaad kaga adkaaday Cabdixakiim Macallin Axmed.

Cali Shacbaan ayaa helay 28 cod, halka Cabdihakiim Macalim Axmed uu helay 25 cod, waxaana hallaabay hal cod.

Wareeggii koowaad ee doorashadan ayaa ku dhamaatay Cabdixakiim oo helay 27 cod, iyo Cali Shacbaan oo helay 26, taasi oo ka dhigtay in la aado wareeg labaad, maadaama midkoodna uusan helin 28 cod.

Senator Cabdulaahi Cali Timacade ayaa isna ku guuleystay kursiga guddoomiye ku xigeenka labaad. Timacade oo helay 30 cod ayaa wareeggii ugu dambeeyey doorashada uga adkaaday Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo helay 23 cod. Waxaa hallaabay hal cod.

Waxaa codbixinta maanta codeeyey dhammaan 54-ka xubnood ee uu ka kooban yahay Aqalka Sare.

Doorashadan ayaa lagu qabtay teendhada Afisyone ee garoonka diyaaradaha Muqdisho oo amnigeeda aad loo adkeeyey.

XS
SM
MD
LG