Muqdisho —
Waxaa buuq badan uu ka taagan yahay dhoofinta xoolaha Soomaalida ee dalka Sacuudiga, kadib markii ay soo baxday in dowladda Soomaaliya ay qandaraaska dhoofinta xoolaha Soomaaliya siiyay una xirtay nin ajanabi ah.
Illaa 97 xildhibaan oo ka kooban labada aqal ayaa arrintan si weyn uga soo horjeestay.
Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin oo waraysi siiyay VOA ayaa sheegay in aysan aqbali karin in isha dhaqaale ee Soomaaliya lahayd loo xiro shaqsi taasi oo meesha ka saaraysa tartanka suuqa.
Weriyaha VOA Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa Khadka taleefonka ku wareystay xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin.
Madal