Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burcadbadeed Iskood Uga Degay Markab


Markabka oo ay la socdeen 22 shaqaale u dhashay dalka Syria ayaa siday sonkor.

Koox burcadbadeed ah ayaa ka degatay markab xamuul ah, maalin ka dib markii ay ka afduubteen meel ka durugsan xeebaha Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan kuwa badda ee Midowga Yurub ayaa sheegay in burcabadeedu ay iskooda isaga tageen markabkaSyria Star, maalintii Jimcaha ahayd, iyagoo horey u sii qaatay mid ka mid ah doonyaha badbaadada ee markabkaasi.

Ciidamada Midowga Yurub waxay sheegeen inay daaweyn u fidiyeen labo ka mid ah shaqaalaha markaasi oo dhaawacmay rasaas ay fureen burcadbadeedu markii ay markabka afduubanayeen, maalintii Khamiista ahayd.

Markabka oo ay la socdeen 22 shaqaale u dhashay dalka Syria ayaa siday sonkor.

Burcadbadeeda Soomaalida waxay maraakiibta ay afduubato ku sii deysaa lacago madaxfurasho ah.

XS
SM
MD
LG