Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burcadbadeed Hanjabaad Culus Jeedisay


Burcadbadeeda haysata markabka ICEBERG ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa ku hanjabtay inay dejin doonto markabka u afduuban.

Shaqaalaha markab afduub loogu haysto xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay inay jirdil iyo caga jugleyn ay ku hayaan burcadbadeedda ay gacanta ugu jiraan.

Francis Kuwisin oo ka mid ah shaqaalaha la socda markabka ka diiwaan gashan dalka Panama oo lagu haysto xeebta Garacad ayaa VOA-da u sheegay in si joogta ah loo dhibaateeyo.

Wuxuu sheegay inay kala kulmaan jirdil iyo in la dili doono haddii aan la wadaxaajood lala furi waayo. Kuwisin ayaa sidoo kale ku cawday inaanay helin cunno ku filan.

Markabkaasi waxaa la socda 24 shaqaale u kala dhashay dalalka Filibiin, Ghana, Pakistan, Sudan iyo Yemen, kaasoo 29-kii bishii March laga afduubtay xeebaha Gacanka Cadmeed.

Dhabka kale mid ka mid ah burcadbadeeda markabkaasi afduubka ku haysata oo magaciisa ku soo koobay Ayuub ayaa ku hanjabay inay dejin doonaan markabkaasi iyo shixnadda saaran, haddii aan la siinin lacagta madaxfurashada ah ee doonayaan.

XS
SM
MD
LG