Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burcad-badeedda oo siidaayay Markab


Burcad-Badeed Hubeysan
Burcad-Badeed Hubeysan

Burcad-Badeedda Somalia ayaa sii daayay markab Giriig ah, kadib markii lacag madaxfurasho ah cirka looga daadiyay.

Saraakiisha Ciidamada Badda ee Midawga Yurub ayaa shaaca ka qaaday in Markab laga leeyahay dalka Giriigga oo laba bilood ka hor afduub loogu qabsaday xeebaha Somalia la siidaayay maanta oo Axad ah.

Saraakiishu waxay sheegeen in lacag madaxfurasho ah laga bixiyay inkasta oo aanay sheegin tirada lacagtaasi ayaa hadana waxaa ay tilmaameen in lacagtaasi cirka looga soo daadiyay budhcadda.

Markabkan oo lagu magacaabo MV NAVIOS Apollon, ayaa la qabsaday bishii December ee sanadkii hore, iyada oo laga soo qabtay meel 400KM Bari ka xigta Jasiiradda Seychelles, isaga oo u sii jeeda dalka Thailand.

Budhcadda ayaa sidoo kale afduub u haystay shaqaalihii markabkaasi oo tiradoodu ahayd 19 qof oo isugu jiray 18 filibbiinyiin ah iyo nin u dhashay dalka Giriigga.

Jimcihii ayay ahayd markii markabk kale oo laga lahaa Singapore laga bixiyay lacag madax furasho ah .

Budhcad badeedda Soomaliida ayaa malaayiin doolar ka hela lacagaha madaxfurashada ah ee ay dhaafsadaan maarkibta ay ka soo afduubtaan xeebaha Somalia.

XS
SM
MD
LG