Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bulshada Rayidka oo dhaliilay go'aanadii Golaha Wadatashiga


Ururada Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliya ayaa soo saaray talooyin iyo aragtiyo ku aadan heshiiskii ay dhowaan magaalada Muqdisho ku gaareen madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada xubnaha ka ah oo ay Puntland ka maqan tahay.

Ururadan ayaa bogaadiyay in doorashooyinka dalka loo raro heer qof iyo cod ah, balse waxay dhaliileen go'aannada golahan, oo ay ku tilmaameen kuwa aan ku saleysneyn dastuurka iyo dhuruucda dalka. Waxaa kale oo arrintan ka hadlay siyaasiyiin iyo xildhibaanno.

Warkan waxaa Muqdisho ka soo dirtay Wariyaha VOAda Seynab Abuukar Maxamed.

Bulshada Rayidka oo dhaliilay go'aanadii Golaha Wadatashiga
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:20 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG