Labadan nin oo magacyadooda lagu sheegay Abshir C/laahi iyo Maxamed Cabdi Garaad ayaa lagu tuhun san yahay inay ka tirsan yihiin hogaamiyayaasha soo abaabula burcad-badeedda Somalida.
Wasaarada arimaha dibedda ee Britain ayaa sheegtay in inkastoo Britain ay taageersan tahay in talaabo adag laga qaado dadka burcad-badeedda ku lugta leh, laakiin haddana uusan sharciga Britain mamnuucayn in lacag madax furasho ah la bixiyo
Dawlada Britain ayaa waxaa la sheegayaa in ay talaabadan ay culasy ku saareen shirkaddaha maraakiibta iska leh iyo bad mareennada raaca maraakiibtaasi oo iyagu door bidaya habka imika jira ee ah in lala xaalo burcad- badeedda.