War Deg-Deg ah

Brendan Rodgers oo noqday tababaraha cuusb ee kooxda Celtic

FBL-ENG-PR-MAN UTD-LEICESTER
FBL-ENG-PR-MAN UTD-LEICESTER

Kooxda Celtic ayaa Brendan Rodgers u magacawday tababare, waxaana uu u saxiixay heshiis saddex sano ah, sida ay sheegtay kooxda ka dhisan Scotland Isniintii.

Rodgers, oo laga ceyriyay shaqada Leicester City xilli ciyaareedkii hore, ayaa horay u soo maamulay kooxda Celtic intii u dhexeysay 2016-2019, isagoo kula guuleystay seddex koob oo isku xigta - Scottish Premiership, Scottish Cup iyo Scottish League Cup.

“Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku laabto Celtic, aad ayaan ugu faraxsanahay fursadan weyn,” ayuu 50-jirkan u sheegay website-ka kooxda.

Rodgers ayaa Leicester ku hoggaamiyay guushii FA Cup-ka 2020-21 markii ugu horaysay taariikhdooda.

Rodgers ayaa bedelaya Ange Postecoglou, kaasoo ka tagay kooxda heysata horyaalka Scotland si uu u qabto tababaraha Tottenham Hotspur.

Reuters.

XS
SM
MD
LG