Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bosaso: Culimada oo Lacago Ururinaya


Bosaso: Culimada oo Lacago Ururinaya
Bosaso: Culimada oo Lacago Ururinaya

Culimaa’uddiinku waxay sheegeen in lacagaha ay ururinayaan ay ku caawin doonaan dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari waxaa ka bilowday lacag ururin ay sameynayaan culimaa’uddiinka magaaladaasi, si loogu kaalmeeyo dadka ay abaaruhu ku dhufteen.

Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo ka mid ah culimada lacag ururinta sameynaysa ayaa VOA u sheegay inay labo salaadood ka dib ay ururiyeen lacag ku dhow $100,000 (Boqol Kun oo Doollar), maalmaha soo socdana ay sii wadi doonaan lacag ururinta.

Wuxuu sheegay inay qaabab badan u ururinayeen lacagta, sida iyagoo ka naadinayay Masaajidda, account amma sanduuq lacageed oo ay ka fureen xawaaladaha DAHABSHIIL, AMAL, Iyo SALAAMA BANK, iyo adeegga xawilaadda lacagta ee telefoonka ee loo yaqaan SAHAL oo Puntland ka shaqeeya.

Sheekh Fu’aad ayaa sheegay in lacagahaasi ay ku iibin doonaan cunto iyo biyo si ay u gaarsiiyaan meelihii ay gaari karaan.

XS
SM
MD
LG