Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boqollaal muhaajiriin ah oo laga saaray Tunisia kadib cabsi soo wajahday


TUNISIA-POLITICS-MIGRANTS-RACISM
TUNISIA-POLITICS-MIGRANTS-RACISM

Ku dhawaad 300 oo qof ayaa Sabtidii laga qaaday dalka Tunisia iyagoo dib loogu celiyey Mali iyo Ivory Coast kadib markii ay soo wajahday cabsi ku aadan rabshado muhaajiriinta ka dhan tan iyo markii uu madaxwaynuhu bilaabay dhaqdhaqaaq ka dhan ah muhaajiriinta.

Bishii hore ayuu madaxweyne Kais Saied ku amray saraakiisha in ay qaadaan "tallaabooyin deg-deg ah" oo ay wax kaga qabanayaan socdaalka aan caadiga ahayn, isagoo ku andacoonaya caddayn la'aan in "qorshe dambiyeed" uu socdo kaasi oo “lagu isir beddelayo shacabka reer Tunisia".

Saied ayaa sheegay in muhaajiriinta ay ka dambeeyaan dambiyada ugu badan ee ka dhaca dalkaasi ku yaalla waqooyiga Afrika, taasi oo sii hurineysa weerrarada ka dhanka ah muhaajiriinta.

Midowga Afrika ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin hadalkaasi ka soo yeeray madaxwqeynaha Tunisia iyadoo dowladaha gobolka ee ka hooseeya Saxaraha Afrika ay u xusul duubayaan sidii ay dalkooda ugu soo celin lahaayeen boqolaal muwaadiniin ah oo ay cabsi wajahday kuwaasi oo ku aruuray safaaradaha dalalkooda ee Tunisia.

XS
SM
MD
LG