Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boosaaso: Saldhig Boliis oo la weeraray


Boosaaso: Saldhig Boliis oo la weeraray
Boosaaso: Saldhig Boliis oo la weeraray

Saldhigga boliiska ee Biyo-Kulule ee Boosaaso ayaa lagu tuuray Bam gacmeed. 3 boliis iyo 3 rayid ah oo saldhiga ku jiray ayaa dhaawac soo gaaray.

Taliyaha qeybta Boliiska ee gobolka Bari, Cismaan Xasan Cawke ayaa VOA u xaqiijiyay in dhaawacyo fudud ay soo gaareen sadex boliis ah iyo sadex qof oo rayid ah. Taliyuhu wuxuu sheegay in 4 qof loo qabtay weerarkaasi, kuwaasoo lagu tuhunsan yahay inay ka danbeeyeen weerarkaasi, haatana lagu hayo saldhiga Boliiska ee Boosaaso.

sidoo kale habeenimadii xalay abaarihii 2-dii saqda dhexe ayaa ciidanka booliiska magaalada Boosaaso uu qabtay bambo aan qarxin oo la dhigay meel u dhow shirkadda Golis. Bombankan ayaa ahaa nooca meesha fog laga hago

Ma aha markii ugu horeysay oo bambo noocan ah la dhigo magaalada Boosaaso, iyadoo hadda ka hor bambo waddada la dhigay ay sababtay dhimasho iyo dhaawac labadaba. Bambkani waa kii saddexaad ee muddo bil gudaheed ah uu booliiska Puntland gacanta ku dhigo, waana markii ugu horeysay ee isku day noocan ahi uu dhaco ilaa markii ciidamada kala duwan ee Puntland ay howlgalada dhinaca ammaanka ay ka fuliyeen magaalada boosaaso muddo dhawr todobaad hadda laga joogo.

XS
SM
MD
LG