Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Booliska Soomaaliya oo soo qabtay nin ku eedeysan inuu gubay xaaskiisa


Eedeysanaha
Eedeysanaha

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay inay qabteen nin looga shakisan yahay inuu ka dambeeyey inuu gubay xaaskiisa.

Fariin qoraal ah oo loo diray warbaahinta ayaa a-hayeenka booliska Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali Duudishe uu ku sheegay in ciidamada ay u suurtogashay inay gacanta ku dhigaan ninkaasi looga shakisan yahay falka gubista oo booliisku ku sheegeen magaciisa Sayid-Cali Macallin Daa'uud.

Booliska ayaa ku eedeeyey ninkaasi in 26-kii bishii aynu soo dhaafnay uu gubay xaaksiisa oo lagu magacaabi jiray Luul Sheekh Cabdi oo toddobaad kadib shilkasi u geeriyootay dhaawacyadii soo gaaray.

Ciidanka ayaa sheegay inay sidoo kale soo qabteen laba eedaysane oo gacan ku siinaysay inuu ciidanka ka baxsado.

Howlgalkan oo ahaa mid wadajir ah ayaa waxaa ka qeybqaatay Boliska, NISA, Difaaca Shacabka ee Degmooyinka Cadaado iyo Wisil, ayuu sheegay Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali.

Madal

XS
SM
MD
LG