Muqdisho —
Ciidanka booliska Soomaaliya ayaa mar kale soo saaray amar ah in dadka degan dhulkii danta guud ee hay’adda dabdamiska ay uga guuraan muddo gaabaan oo ku eg 25-ka bishan Febraayo.
Dhulkan oo in muddo ah deegaan u ahaa qoysas badan ayaa amarkii hore ee dowladda ay soo saartay ee ahaa in la banneeyo uu ku ku ekaa 25-kii bishii laasoo dhaafay, taasi oo uu ka dhalatay shaqaaqo sababtay dhimasho iyo dhaawac.
Faah-faahinta warkan waxaa Muqdisho kasoo diray Cabdulqaadir OK.
Madal