Muqdisho —
Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa soo saary awaamiir ka dhan ah amni darro maalmihii ugu dambeeyay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasoo isagu jira dilal bareer ah iyo dhac loo gaysanayo qeybaha bulshada.
Falalkan gurracan ayaa lagu eedeeyay kooxo hubaysan oo ku labisan dareyska ciidamada dowladda iyo burcad kale.
Warbixin arrintaasi ku saabsan waxaa Muqdisho ka soo diray, Xasankaafi Qoyste.