Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bandow La Saaray Magaalada Laascaanood


Qarax ka Dhacay Laascaanood
Qarax ka Dhacay Laascaanood

Gudoomiyaha gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise Shiine ayaa wareysi uu siiyay Laantan Af-Soomaaliga ee VOA-da kaga hadlay bandow ay saareen guud ahaan magaalada Laascaanood.

Bandowgan oo soconaya 24 saacadood, ayaa yimi kadib markii saddex qof lagu dilay Waqdari oo ah duleedka magaalada.

Guddoomiyaha waxyaabaha uu ka hadlay waxaa ka mid ah: Odayo lagu xidhxidhay magaalada Laascaanood kuwaas oo loo qaaday magaalada Burco, iyo colaada ka taagan koonfurta gobolka Sool oo illaahatan socota iyo qodobo kale.

Dilkan ayaa daba socda colaad beeleed ka jirta koonfurta Gobolka Sool taas oo saamayn ku yeelatay deegaanada Dharkayn, Dhumay iyo Xidhxidh, waxaana coladaas ay oo soo gashay gudaha magaalada Laascaanood.

Gudoomiyaha gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise Shiine ayaa u warramay weriyaheena Cabdikariim Cabdikariim Olol.

Wareysi: Guddoomiyaha gobolka Sool
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:24 0:00

XS
SM
MD
LG