Washington —
Tan iyo markii dowladda Federaalka ay billowday dagaalka ka dhanka Al-shabaab waxaa sidoo kale daba socday dadaallo ay ku dooneyso inay ku wiiqdo dhaqaalaha Al-shabaab ay Muqdisho ka qaadi jireen, kaas oo machadla Hiraal ee daraasaadka Amniga qiyaas uu sameeyay uu ku sheegay inka badan 15 milyan oo dollar.
Haddaba Barnaamijka Bandhigga VOA waxaan toddoobaadkan ku eegeynaa halka uu marayo dagaalka dhaqaalaha ee ka dhanka Al-shabaab, waxaana barnaamijka soo diyaarisay, soona jeedinaya Falastiin Iman.