Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay xukuumadda cusub ee Ra'isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre


Golaha Wasiirada
Golaha Wasiirada

Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay golaha wasiirada ee uu dhawaan soo magacaabay Ra'isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre Axadda maanta ah, kadib kulankii Golaha Shacabka ee Axadda maanta ah, iyada oo 229 xildhibaan ay codeeyeen xukuumadda cusub.

Toddoba xubnood ayaa diiday golaha, halka hal mudane uu ka aamusay.

Codbixintan ayaa ka dhigan in golaha cusub ee wasiirradu ay xilkooda la wareegaan isla markaana gudagalaan hosha loo igmaday.

Toddobaadkii hore ayaa Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu soo magacaabay gole wasaaradeed oo ka kooban 75 xubnood oo iskugu jira wasiirro, wasiiru dawlayaal iyo wasiir ku xigeenno, waxaana xukuumadiisa uu ugu magaca daray “Xukuumadda Dan Qaran.”

Golaha Wasiirada waxaana ku jira wasiirka awqaafta iyo diinta Mukhtaar Roobow, oo horey uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab, islamarkaana muddo ka badan saddex sano iyo bar u xirnaa dowladda federaalka, tan iyo bishii December 2018.

Roobow ayaa waxaa xilligaasi laga soo xiray magaalada Baydhaba kadib markii dawladda Soomaaliya ay ka hor istaagtay inuu u tartamo xilka madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Liiska xubnaha Xubnaha Golaha Wasiiradda ayaa kala ah:

1- Saalax Axmed Jaamac, Ra'iisul Wasaare ku-xigeen.
2- Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, Wasiirka Awqaafta iyo Diinta.
3- Xasan Macallin, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka.
4- Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha.
5- Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiirka Maaliyadda.
6- Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Wasiirka Gaashaandhigga.
7- Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.
8- Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada.
9- Maxamuud Cabdiraxmaan Beena Beene, Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga.
10 -Jaamac ilka Jiir, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka.
11 -Fardowsa Cismaan Dhoore, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.
12- Jaamac Xasan Khaliif, Wasiirka Boosatada iyo Isgaarsiinta.
13- Xasan Xuseen Eelaay, Wasiirka Xananaada Xoolaha.
14- Jibriil Cabdirashiid, Wasiirka Ganacsiga Warshadaha.
15- Ismaaciil Sheekh Bashiir, Wasiirka Howlaha Guud iyo Gureyenta.
16 -Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Haweenka.
17- Dr. Crisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta.
18- Maxamuud Doodishe, Wasiirka Amniga Gudaha.
19- Axmed Madoobe Nuunoow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka.
20 - Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Caafimaadka.
21- Axmed Xasan Aadan, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyeaadka Badda. 22- Daa’uud Aweys, Wasiirka Warfaafinta.
23 - Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha.
24 - Jaamac Taqal, Wasiirka Korontada iyo Biyaha.
25- Maxamed Barre Maxamuud, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaraaha.
26- Khadiija Al-Makhzuumi, Wasiirka Bay'adda iyo isbddelka Cimiladda.

XS
SM
MD
LG