Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamaanka Masar oo Kulmay


Baarlamaanka dalka Masar ayaa maanta kulan yeeshay iyagoo raacaya amarkii madaxweyne Morsi sidoo kalena iska indho-tiraya amarrada golaha Militariga ee dalka iyo maxkamadda dastuuriga ee Masar.

Kulanka maanta ayaa qaatay muddo 5 daqiiqo ah. Afhayeenka aqalka hoose Saad El-Katatni ayaa sheegay in xubnaha baarlamaanku ay u kulmeen si ay u eegaan go'aankii maxkamadda ee barlamaanka lagu kala diray, sidoo kalena ay helaan wadiiqo lagu xalin karo khilaafka.

Baarlamaanku waxay sheegeen inay tixgalinayaan dhamaan sharciga iyo xukunnada dastuuriga ah.

Golaha militariga ee dalka Masar ayaa bishii hore kala diray baarlamaanka, kaddib markii maxkamadda dastuurigu ay go'aamisay in qaabka lagu soo doortay xubno ka tirsan baarlamaanka ay sharci-darro ahayd.

Madaxweyne Morsi ayaa laba cisho ka hor soo saaray wareegto uu ku dalbay inay baalamaanku dib u howgalaan ilaa mid cusub laga soo dooranayo.

XS
SM
MD
LG