Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ayatollah: Wadahadal aan Nuclear Ahayn lama Galayno US


Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei.
Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei.

Hoggaamiyaha sare ee Iran ayaa sheegay in wadahadallo kasta oo mustaqbalka Iran la yeelan doonto Mareykanka ay noqon doonaan kuwo ku saabsan oo kaliya nucelar-ka.

Hoggaamiyaha sare ee dalka Iran Ayatullah Khameinei ayaa sheegay in wadahadallo kasta oo mustaqbalka Iran la yeelan doonto Mareykanka ay noqon doonaan kuwo ku saabsan oo kaliya heshiiska hubka Nuclear-ka balse aysan shaqo ku lahaan dooni arrimo kale.

Bayaan maanta oo Arbaco ah lagu daabacay website-ka Ayatullah Khameinei, ayuu ku sheegay in uu oggolaaday wadahadallada lala galay dalka Mareykanka, balse ay gaar ku yihiin oo kaliya hubka Nuclear-ka.

Dalalka Iran, Mareykanka iyo shanta waddan ee wada hadallada hubka Nuclear-ka Iiraan ku weheliya Mareykanka, ayaa bishii July gaaray heshiis la xiriira barnaamijka nuclear-ka ee Iran.

Madaxweynaha dalka Iran Xasan Rooxaani oo ah nin qunyar socod ah marka la barbardhigo Ayatullah Khameinei ayaa talaadadii sheegay in Tehran ay diyaar u tahay in ay Mareykanka kala hadasho sidii xal waara loogu heli lahaa dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Syria.

XS
SM
MD
LG