Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Geerida Axmed Jaamac Jangali


Geerida Axmed Jaamac Jangali
Geerida Axmed Jaamac Jangali

Marxuumka waxa uu in muddo ah ku noolaa dalkan Maraykanka, wuxuu ku geeriyooday gobolka Califorinia March 03 2011.

Allaha u naxariistee marxuum Axmed Jaamac Cabdulle jangali oo ahaa Dublumaasi xilal kale duwan ka soo qabtay ayaa ku geeriyooday dalka Maraykanka.

Marxuum waxa uu dhashay magaalada Cadan ee waddanka Yemen sannadku marka uu ahaa 1922-kii, wuxuuna waxbarashadiisii hoose ku soo qaatay isla Cadan.

Marxuumku wuxuu soo noqday 1968-kii Safiirki Somalia ee UK, wuxuu sidoo kale soo qabtay xilal kale duwan oo uu ka mid ahaa jagada wasiirka arrimaha dibedda ee dowladdii Max'ed Siyaad Barre.

Waxa uu sidoo kale ka mid ahaa aasaasayaashii wakaaladdii wararka Soomaaliyeed ee SONA.

Marxuumka ayaa in muddo ah ku noolaa dalkan Maraykanka, wuxuuna 3-dii bishan March ku geeriyooday gobolka California.

XS
SM
MD
LG