Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ash Carter oo Dalka Afghanistan Booqanaya


Carter oo la hadlaya askarta Mareykanka
Carter oo la hadlaya askarta Mareykanka

Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Ash Carter ayaa ku sugan dalka Afghanistan, saddex maalmood un kadib markii uu hogaamiyayaasha caalamka ku booriyey in taageeraan dalkaas oo ay ku sugan yihiin 12,000 oo askar NATO ah.

Carter ayaa waxa uu la kulmay madaxweyne Ashraf Ghani, wuxuuna sidoo kale la hadli doonaa Jeneraal Mick Nicholson oo ah taliyaha ciidamada Mareykanka iyo kuwa caalamiga ah ee dalkaas ku sugan.

Carter ayaa waxaa sidoo kale la filayaa inuu uga mahad-celiyo ciidamada Mareykanka dadaalkooda ku aaddan xasilinta dalkaas.

Toddobaadkii tagay, madaxweyne Obama ayaa waxa uu ku dhowaaqay inuu yareynayo ciidamada Mareykanka ee la qorsheeyey in laga soo saaro dalka Afghanistan.

Ayada oo marka hore la qorsheeyey in kaliya 5,500 askar Mareykanka ah ay ku sugnaadaan dalka Afghanistan dhammaadka sanadkan, ayaa waxaa lagu sii heyn doonaa ilaa 8,400 oo askari.

XS
SM
MD
LG